Ra'iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein
Ka dib afgembigii aan
dhiigga ku daadan ee ay ciidamada kula wareegeen
awoodda dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xussein
wuxuu ka mid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsi guriga,
muddo ka dibse laga sii daayay.
Dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad
Barre danjirihii dalka Soomaaliya u fadhin jiray
Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii
sanadihii 1976dii illaa 1978dii, wixii intaas ka
dambeeyayna wax mas’uuliyad ah kama qaban gudaha
dalka Soomaaliya.
Markii la riday dowladdii dhexe ee
dalka Soomaaliya MD. C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka
mid ahaa odayaashii Soomaaliyeed ee dadaalka u galay
dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed isla
markaana wax ka saxiixay shirarkii dib u
heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee
dalka jamhuuriyadda Jibouti.
C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka
mid ahaa xubnihii isu soo sharaxay in ay
hoggaamiyaan dhismihii maamul gobolleedka
Soomaaliyeed ee Puntland ee la dhisay bishii August
sanadkii 1998dii, wuxuuna siyaasadda isaga fariistay
ka dib markii uu kaga guuleystay madaxweynihii hore
ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.
Dhismihii dowladdii madaxweyne C/qaasim
Salaad Xassan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee
dalka Jibouti bishii August sanadkii 2000 waxaa loo
magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi ka koobnaa 25
xubnood, guddigaas oo la oran jiray National
Commission for Reconciliation & Property Settlement
of Somalia, taariikhdu markii ay aheyd 6dii bishii
May, sanadkii 2001da, arrintaas oo ay si weyn uga
soo horjeestay maamulkii Puntland ee Col. C/llaahi
Yuusuf, wuxuuna C/risaaq Xaaji Xussein xilkaasi si
buuxda isaga casilay 25kii bishii July, sanadkii
2001.
Ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji
Xussein wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiintii Soomaalida
ee sida weyn uga biyo diiday soo gelitaankii
ciidamada dalka Ethiopia ee gudaha dalka Soomaaliya
dabayaaqadii 29kii bishii December, sanadkii 2006da,
wuxuuna ka qeybgalay bannaanbaxyo looga soo horjeedo
oo ka dhacay dalka Mareykanka.
