|
Waxaa
lagu qabtay woqooyi-galbeedka magaalada xaflad weyn oo ay ka
soo qeyb galeen dad magac iyo muunad ku dhex leh dadka ku
hadla afka soomaaliga, waxaa ka mid ahaa Aw Jaamac Cumar
Ciise oo dadka intiisa badan ay ku yaqaanaan ururuurinta iyo
soo bandhigidda taariikhdii iyo suugaantii Sayid Maxamed
Cabdulle Xasan, Aaden Faarax Samatar, Maxamed C/llaahi
Riiraash, Max'ed Daahir Afrax, C/qaadir Cabdi Shube,
Saalax Xaashi Carab, Cabdalle Xaaji Ducaale, Faarax Waceys
oo dhamaantood ka yimid dalka Jabuuti, abwaanka Cali Sugulle
Dun-Carbeed oo ka yimid Imaaraadka Carabta, Axmed Faarax
Cali (Idaajaa) oo isna ka yimid dalka Kenya, Yuusuf Shaacir
oo ka yimid Somaliland, Cali Seenyo iyo fannaaniinta caanka
ah ee Faaduma Qaasin Hilowle, Faaduma Duur, M. A. Qoomaal,
Xadxateeye, Deeqa iyo qaar kale oo badan oo reer UK ah oo
dadka ku madadaalinayey heeso dabacsan iyo kuwa wadani ahba,
waxaa kaloo halkaa ka soo qeyb galay qorayaal ay ka mid
yihiin Maxamed Baashe Xasan, C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban",
C/xmaan Max'ed Abtidoon iyo Max'ed Sheikh oo degen UK.

Qoritaanka iyo daabacaadda buugaagtan qiimaha
gaar ahaaneed leh iyo socdaalka wafdigan maskax-maalka ah
intaba waxaa ku abaal leh ee suurta-galiyey garab-gal
hagarla’aaneed oo uu ku deeqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Jabuuti, Mudane Ismaaciil Cumar Geellee oo ku caan baxay
dhiirri-galinta iyo garab-galka dadaal kasta oo ku wajahan
daryeelka iyo horumarinta afka hooyo, qoraalka, dhaqanka,
suugaanta iyo aqoon-faafinta intaba, taas oo Jabuuti ka
dhigtay xarunta dhaqanka iyo af-Soomaaliga qoran ee Geeska
Afrika. Ujeeddada barnaamijkaan waa taakulayn Jabuuti
loogala soo gurmaday Soomaalida UK, si loogu garab-galo
akhriska iyo ku-fara-adaygga afkooda hooyo, taasoo qoraalku
u yahay halbowlaha nolosha.

Abwaannada hadiyaddan Jabuuti ka soo
xambaaray, ee ay fursadda u heleen Soomaalida in ay la
kulmaan waxaa ka mid ahaa;- Aadan Faarax Samatar, Aw Jaamac
Cumar Ciise, Maxamed Cabdillaahi Riiraash, Maxamed Daahir
Afrax, Cabdulqaadir Cabdi Yuusuf Shube, Saalax Xaashi Carab,
Cabdalle Xaaji Ducaale iyo Faarax Wacays oo ku magac dheer
Caarre. Waxaa kale oo fagaaraha ka dhex muuqan doona oo asna
ka soo gurmaday Imaaraadka Carabta abwaanka weyn ee ummadda
dhexdeeda qaaliga ku ah Cali Sugulle Dun-carbeed iyo
suugaanyahanka da’da yar, Yuusuf Shaacir oo asna Hargeysa ka
soo safriyey murti qiima badan. Waxaa lagu nasan doonaa
heeso wacyi-galin iyo maaweeloba leh oo ay soo bandhigi
doonaan fanaaniin caan ah oo ay hormuud u yihiin reer
Jabuuti.

Kulankan oo sidoo kale lagu soo dhandhigay buugaag dhowr ah
oo ay qoreen qoreyaal deggan magaalada London oo ay ka mid
ahaayeen C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", Max'ed Baashe
Xaaji Xassan, C/raxmaan Max'ed Abtidoon & Max'ud Cali
Calasow "Jaani Dheere", "Axmed Faarax Cali Idaajaa",
Khaliif Ashkir Bootaan, C/qaadir Shire Faarax & kuwo kale oo fara badan.

Qabanqaabada guud ee barnaamijka waxaa ku
tallaabsaday Naadiga Qalinley, PEN (Somali-speaking Centre
of International PEN) wuxuuna la kaashaday oo kaalin weyn ka
ciyaaray Somali Community Centre, Jaaliyadda Jabuuti ee UK,
iyo Halabuur Centre.

Gebabadii munaasabaddan oo ay heeso wacyigelin ah ka soo
jeediyeen fannaaniin si weyn looga yaqaano dalalka
Soomaaliya Jibouti isla markaana ay hoggaaminayeen Faadumo
Qaasim Hilowle, Faadumo Axmed, Max'ed Axmed Qoomaal & kuwo
kale oo fara badan.



Halkan Click sii
Wareysigii
laanta afka Soomaaliga ee BBC la yeelatay
Guddoomiyaha Naadiga Qalinleyda Soomaaliyeed,
PEN (Somali-speaking Centre of International PEN)
ahna Qoraa sare Max'ed
Daahir Afrax oo ka hadlaya sidii ay xafladdaasi u dhacday.
Xildhiban Publications |