|
|
|
Buugga
"Kobacii Islaamiyiinta
Soomaaliya"
ee qoray C/shakuur Mire Aadan "Cobol"
|
London, 20 Septembar, 2011 Xildhibanpublications.
Buuggan la magac baxay Kobaca islaamiyiinta Soomaaliya, waa
buug soo bandhigaya qoraallo & xaqiiqooyin si tafaftiran u
koobaya taariikhdii & halgankii dheeraa ee xoogag ka tirsan
Soomaalidu u soo galeen sidii maamul Islaami ah looga
hirgelin lahaa dhulka jamhuuriyadda Soomaaliya. Dhinaca kale
waxaan ugu hambalyeynayaa dadaalka dheeriga ah ee uu
sameeyay waqtigan adag qoraaga buuggan C/shakuur Mire Aaden,
sidaas darteed waxaan ummadda Soomaaliyeed ku
dhiirigelinayaa akhrintiisa maadaama uu buuggani xambaarsan
yahay warbixinno, xogo sugan & macluumaadyo la ururiyay
waqtigan adag ee ay ummadda Soomaalidu ku jirto.
Waxaan
marka hore mahad & ammaan ballaaran u celinayaa qoraaga
buuggan la magac baxay Kobaca islaamiyiinta Soomaaliya MD.
C/shakuur Mire Aaden in uu igu sharfo qoraalka hordhaca ah
ee uu buuggani yeelanayo.
Dhinaca kale waxay dad badani aaminsan yihiin in kooxaha
islaamiyiinta ee ka jira dalka Soomaaliya in ay dalka
abuurmeen waxyar ka dib markii la riday xukuumaddii ugu
waqtiga dheereyd ee soo marta dalka jamhuuriyadda Soomaaliya
ee uu madaxda ka ahaa Allaha u naxariistee madaxweynihii
hore ee dalka Soomaaliya S/Gaas Max’ed Siyaad Barre.
Haddaba sida buuggani qorayo bilowgii ama kobaca
islaamiyiinta Soomaaliya & dagaalkii ay xukuumaddii dhexe ee
Soomaaliya la gashay ka dib markii ay dowladdaasi ku
dhawaaqday in ay qaadatay mabda’a “Hantiwadaagga Cilmiga ku
dhisan” & barnaamijkii “Xeerka Qoyska” & dilkii la dilay
culimo gaareysa 10, culimadan oo la sheego in ay qaarkood
wax ku soo barteen dalalka Saudi Arabia, Egypt, Sudan &
dalal kale oo ka tirsan khaliijka isla markaana ka horyimid
xeerkaasi.
Buuggan wuxuu si xeeladeysan ama xarago leh u soo
bandhigayaa halgankii dheeraa ee xoogagga islaamiyiinta
Soomaaliya u soo galeen sidii ay dalka Soomaaliya uga abuuri
lahaayeen ama uga dhalin lahaayeen dowlad Islaami ah oo
dalka ku maamusha shareecada Islaamka.
Sidoo kale buuggani wuxuu soo bandhigayaa magacyadii
hoggaamiyeyaashii ururradii magaca Islaamka sitay ee soo
maray dalka Soomaaliya, dagaalladii ay galeen, goobihii ay
dagaalladaasi ka dhaceen, guulihii & guuldarrooyinkii ay
kala kulmeen, goobihii ay dagaalladu ku dhexmmareen iyaga &
kooxihii ay dagaallada ay la galeenba.
Shaki kuma jiro in dadka Soomaaliyeed ay yihiin 100%
muslimiin sunniyiin ah, wallow kooxaha Al-Shabaab & Xisbul
Islaam ay ku doodayaan in Soomaalidu 5% ay yihiin muslimiin,
haddana lama oga halka ay Soomaaliya kaga dhaqan yihiin ama
kaga nool yihiin 95%ta Soomaalida gaalada ah.
Dowladda KMG ah ee hadda ka jirta dalka Soomaaliya
caalamkuna aqoonsan yihiin ayaa ansixisay ku dhaqanka
shareecada Islaamka waxyar ka dib markii ay la wareegeen
talada dalka Soomaaliya, haddana kooxaha ka soo horjeeda
dowladda KMG ah ee ku dooda ku dhaqanka shareecada Islaamka
waxay dagaallo qaraar isla markaana ay dhiig badani ku
daateen xilliga buuggani qormayo weli ku dhexmarayaan
caasimadda dalka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, waxyar ka
dib markii uu dalka dib ugu soo laabtay mid ka mid ah
hoggaamiyeyaasha mayalka adage e dalka Soomaaliya Xassan
Daahir Aweys.
Inta la xusuusan karo dagaalladii ugu qaraaraa waxay ka
dhaceen magaalooyinka Araare halkaas oo ay isaga
horyimaadeen kooxdii uu hoggaamin jiray General Max’ed
Faarax Xassan “Caydiid”, sanadkii 1991dii, halka dagaalkii
xigayna uu ka dhacay deegaannada Waqooyi Bari ee Soomaaliya
“Puntland” halkaas oo ay isaga horyimaadeen Col. C/llaahi
Yuusuf Axmed, sanadkii 1993dii lagagana adkaaday.
Dhinaca kalena waxay dagaallo ku dhexmareen deegaanno ka
tirsan Koofur Galbeed ciidamadii ururkii SNF ee uu hoggaamin
jiray General Cumar Xaaji Max’ed “Masalle” oo ay
taageerayaan ciidamada dalka Ethiopia, dabayaaqadii sanadkii
1996dii waxyar ka dib geeridii General Caydiid.
Ugu dambeyntiina ay dagaallo ay kooxaha islaamiyiintu kaga
adkaadeen hoggaamiyeyaashii kooxaha magaalada Muqdisho, taas
oo u suurtagalisay in ay gacanta ku dhigaan inta badan
gobollada koofureed ee jamhuuriyadda Soomaaliya, taas oo
sababtay in ay dalka soo galaan dalka aan deriska nahay ee
Ethiopia, dhinaca cirkana ay duqeymo xoog lihi kaga imanayay
ciidamada dalka Mareykanka.
Goobihii ay weeraradaasina ka dhaceen waxaa ka mid ah;-
1. Gobolka Jubba Hoose
2. Gobolka Jubbada Dhexe
3. Magaalada Baargaal oo ka tirsan deegaannada hoos yimaada
Puntland.
4. Magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay ku dileen
hoggaamiyihii kooxda Al-Shabaab,
Max’ed Xaashi Ceyrow & xubno ka tirsan kooxdaasi taariikhdu
markii ay aheyd 01/05/2008.
Dagaallo qaraar ka dib, ka bixitaankii ciidamada Ethiopia ee
dalka Soomaaliya dabayaaqadii bishii December sanadkii 2008
ayay dib kooxaha islaamiyiinta ahi oo ay la socdaan xoogag
ajnabi ah dib ugula wareegeen inta badan koofurta dalka
Soomaaliya, iyadoo magaalada Baledweyne ee gobolka
Hiiraan-na ku qaarajiyay weerar ismiidaamin ah wasiirkii
ammaanka ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya Col. Cumar Xaashi
Aaden & danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray dalka
Ethiopia C/kariim Faarax Laqanyo, iyadoo ay jiraan in
kooxdani lagu eedeynayo isla markaana ay dhinacooduna
qirteen dilalka qorsheyn ee wixii ka dambeeyay sanadkii 2000
lagu qaarajiyay saraakiil, aqoonyahanno, dhaqaatiir,
waxgarad & mas’uuliyiin kale oo isugu jirta qeybaha bulshada
Soomaalida.
Haddaba waqtiga buuggani qormayo waxay weli dagaallo ka
soconayaan ama ku dhexmarayaan magaalada Muqdisho ciidamada
dowladda KMG ah & kooxaha uu mowqifkoodu fogaaday ee ka
hanaqaaday dalka jamhuuriyadda Soomaaliya oo gacan ka helaya
xubno ka mid ah kuwa loo doonayo dabka ka holcaya caalamka,
wallow aan la heynin inta tiradoodu la’eg tahay.
Xubnahan oo la sheego in ay ka mid ahaayeen ururka
“Al-Qeada” ee uu hoggaamiyo Usama bin Laden, kana yimid
dalalka Pakistan & dalka ay weli dagaalladu ka soconayaan ee
Afghanistan.
Ugu dambeyntii waxaa xusid mudan intii ay dagaalladu ka
socdeen dalka Soomaaliya aan la arkin carruur ay da’doodu
gaareyso 10-18 jir oo u dagaallamaya hoggaamiye kooxeedyadii
laga itaal roonaaday ee Soomaaliya ayay dhinacyada kale ee
kooxaha Al-Shabaab & Xisbul Islam adeegsanayaan carruur aan
aqoon durugsan u laheyn diinta Islaamka & waxa ay u
dagaallamayaan.

Qoraa sare
C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”
London, United Kingdom
Xildhiban
Publications, London
|
| |
|
|