|
|
Kulanka
Abwaannada & Qoreyaasha Soomaaliyeed oo lagu qabtay
London ee dalka Britain.
Axad, November 9, 2008 (XP):
Waxaa magaalada London ee dalka Ingiriiska lagu qabtay
maalinnimadii shalay aheyd kulan ballaaran oo ay ka soo
qeybgaleen qeybaha bulshada Soomaalida ee ku dhaqan
magaaladaasi. Kulankaasi oo loogu magacdaray "Haddiyadda
Jabuuti, Hiilka Afka Hooyo, Hal-abuurka Qalinka &
Himilada Soomaalida UK.
Read more.........
_________________________________________________________________
Innaa Lillaahi
Wa'inaa Illeyhi Raajicuun
Isniin, November 3, 2008 (XP):
Ma dhinte waa Illaahay ruux kasta oo noolna waa
dhimanayaa, waxaan anniga oo ku hadlaya magaca
qoreyyaasha Soomaaliyeed halkan tacsi uga dirayaa guud
ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan qoyskii, ehelladii
& qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee
Abwaan Cabdi Muxumed Amiin
oo maanta lagu aasay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Read more.....
_________________________________________________________________
Kulan ay magaalada London
ku yeesheen Qoreyaasha
& Suugaanleeyda Soomaaliyeed
Talaado, October 28, 2008 (XP):
Qorayaal iyo suugaanleey
ku caan ah bushada soomaaliyeed dhexdeeda ayaa magaalada
London ee dalka Britain waxa ay ka qeybgaleen kulan uu
soo qaban qaabiyey ururka Somali Pen oo ah urur kulmiya
Qorayaasha iyo Hal-abuurka Soomaaliyeed.
Read
More......
_________________________________________________________________
Axad, Octobar
26, 2008 (XP) Stockhlom Kulankii qoreyaasha & abwaannada Soomaaliyeed ee lagu
qabtay magaalada Stockhlom ee dalka Sweden
Waxaa magaalada Stockhlom ee dalka Sweden lagu soo gebagabeeyay
kulankii ay ka qeybgalayeen qoreyaasha & abwaannada
Soomaaliyeed. Kulankaasi oo socday intii u dhaxeysay 25-26kii
bishan Oktoobar isla markaana ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen
ururrada Somali Swedish Union & Scansom Publishers
Read more............
_________________________________________________________________
Magaalada London oo lagu soo bandhigay
buugga Taxanaha Taariikhda Soomaaliya ee qorey C/casiis
Cali Ibrahim "Xildhiban"
London, 16-Dec-2006 [XP] Munaasabad si heer sare ah loo
soo qaban qaabiyay laguna qabtay magaalada London ee dalka
Ingiriiska laguna soo bandhigayay buugga TAXANAHA TAARIIKHDA
SOOMAALIYA ee uu qorey C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban"
ayaa lagu qabtay Streatham Library, qabanqaabadeeduna
uu lahaa Tom O'Dell oo ah Reader's Devolopment Officer
in Lambeth Libraries, lana qabtay 16/12/2006.
Read
more........
_________________________________________________________________
|
| SOOYAALKII
SUUGAANTA
Cabdulle Raage suugaantii uu ka tagay waa hanti ummaddu
leedahay, waxaan filayaa ninkan ku magac dheer C/casiis
"Xildhiban" ayaa faafinaya, dadkana waxaan
ugu baaqayaa suugaantaa haddii Illaahay ka dhigo ujeedada
culus leh ee aan qosolka ka marneyn, qofku isaga oo
waajib culus aqriyaya ayuu haddana mararka qaar ku
qoslayaa ama ku farxayo weeye suugaantiisu sidaan
filayo, ugu dambeyntii waxaan dadka Soomaaliyeed ka
codsanayaa in ay u duceeyaan isla markaana ay ku biirsadaan
suugaantiisa wixii ay horey u hayeen.
Abwaan
Max’ed Ibrahim Warsame "Hadraawi"
Oxford House, London, UK.
Sooyaalkii Suugaanta Cabdulle Raage Taraawiil
In the 1960s Abdulle Raage was one of the artists
working as an actor and poet with the Waaberi group
and become famous through his broadcasts on Radio
Mogadishu. As an actor he is remembered in particular
for having played the part of Shabeel in Hassan Sheikh
Muumin's play Shabeel naagood.
I have heard people say he had an imposing presence
and strong eyes and yet he was very much able to make
laught and am pleased this book of his work is being
published by Xildhiban Publications. It contains a
lot 4-colour cover. Author Abdulaziz Ali Ibrahim "Xildhiban.
It contains 224 pages.
Dr: Martin Orwin
Lecturer in Somali and Amharic "SOAS "
University of London
Published in London 2008 ISBN: 978-91-85945-5101
Read more..... |
|
_______________________________________________________ |
|
|
Halkan ka dhageyso
ruwaayaddii Shabeel naagood
Qeybtii 1aad
Qeybtii 2aad
Qeybtii 3aad
|
|
_______________________________________________________ |
| |
|
|
| |
| Xulka
maansooyinka Soomaaliyeed
Buuggaan Xulka Suugaanta Soomaaliyeed wuxuu bandhig u yahay
suugaanleeyda gaar ahaan tixmaalka caan baxay ee Soomaaliga,
wuxuu keyd u dhigayaa jiilka soo socda, wuxuu iftiiminayaa
dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida, wuxuu kor u qaadayaa
garaadka aqoonta, wuxuu halbeeg u yahay miisaanka suugaanta
Soomaalida, wuxuu tixraac u noqonayaa tiirarka dhaqanka
iyo hidaha Soomaalida, wuxuu ku siinayaa afkaar suugaaneed
leh hadaf iyo ujeedo, wuxuuna dhiirigalinayaa awoodda gabyaaga,
wuxuu farax galinayaa aqristayaasha, buugga wuxuu cabir
ka bixinayaa heerarkii ay soo martay suugaanta Soomaalida.
Qoraa sare
Cawil Daahir Salaad
London, UK
Xulka maansooyinka Soomaaliyeed
This book contains over 65 selected poems from over 50 different
best known Somali poets af different times from 18th century
until today. Many of the leading Somali poets for the last
two centuaries are included in this collection.
Published March 2008 ISBN: 978-0-9549555-4-0
Read
more..... |
| |
| |
|
|
|